Home Wararka Maanta Qatar oo Safiir Cusub usoo Magacowday Soomaaliya iyo Kii Hore oo 8sano...

Qatar oo Safiir Cusub usoo Magacowday Soomaaliya iyo Kii Hore oo 8sano kadib lasabootiyay( Sawiro)

0
Safiirkii Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamzah ayaa xalay munaasabad sagootin ah loogu sameeyay Muqdisho, kaddib markii ay u dhamaatay shaqadii Safiirnimo oo muddo 8 Sano uu dalkiisa uga wakiilka ahaa Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiiro iyo Diblomaasiyiin ah.
Qatar ayaa ah dalka labaad ee mashaariic horumarineed oo dib u dhis iyo sama fal ka fuliyay Soomaaliya shantii sano ee la soo dhaafay, mashaariicdaas waxaa ka mid ah mashruuc dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Agooye – Muqdisho iyo Balcad. Sidoo kale dhowaan la bilaabi doono Wadada Balcad iyo Jowhar oo Mashruuciisa la haayo.
Safiirka Xasan Bin Xamzah ayaa lagu ammaanay doorkii uu ku lahaa horumarinta iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar.
Ad
Previous articleTaksiile lagu Dilay Magaalada Göteborg ee Sweden
Next articleP.M Rooble iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo Gaaray Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here