Home Wararka Maanta Qaraxyo laga Maqlay Dhuumaha Gaas Ruushka ee Yurub Isticmaasho

Qaraxyo laga Maqlay Dhuumaha Gaas Ruushka ee Yurub Isticmaasho

0

Xaalada Yurub ayaa sii xumaanaysa kaddib markii qaraxyo laga maqlay dhuumaha gaaska Yurub geeya ee Nord Stream 1-2 ee mara dhanka Jasiiradda Bornholm ee waddanka Denmark.

Dowladda Denmark iyo shirkadda maamusha Dhuumaha shidaalka Yurub keena ee Nord Stream ayaa sheegay in tubbooyinka Nord Stream ee 1 iyo 2 ee Gaaska ka keena Ruushka ay saddex meel ka dillaaceen.

Waxaa haatan socda baaritaan la xiriira  waxa keenay dhibaatadan iyo waxa isku soo aaddiyay qaraxyada dhuumahan Gaaska iyo xilliga cakiran ee uu socdo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Gaaska fatahay ayaa ka abuuray meel cad oo xumbo leh oogada biyaha sida ay muujinyaan sawirada ay soo bandhigeen ciidamada Denmark.

Welima cadda mudada ay qaadan doonto howsha dayactirka dhuumaha qarxay iyo xilliga ay howlaha Gaasku dib u bilaaban doonaan.

Ruushka iyo Yurub ayaa si weyn ugu qeybsamay tan iyo markii ciidamada Ruushku duulaanka ku qaadeen Ukraine, iyadoo ruushku ku carooday xanibadaha la saaray iyo taageerada milateri ee Yurub ay siiso Ukraine ee lagula dagaalamayo ciidamadiisa.

Ad
Previous articleXarunta ugu wayn ee Alshabaab kulahayeen Gobalka Baay oo Qarka Usaaran in lagala Wareego
Next articleXasan Sheekh oo gaaray Adis Ababa iyo Abiy oo soo dhaweeyay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here