Home Wararka Maanta Qaraxyo Kahsaaro Gaystay oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxyo Kahsaaro Gaystay oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Waxaa xalay qaraxyo miino oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada Badbaado iyo sidoo kale deegaanka KM-13.

Qarax ka dhacay xaafada Badbaado ee degmada Dharkeenley ayaa la sheegay in la galiyay goob maqaayad ah oo shaaha laga cabo, waxaana xilliga qaraxa dhacayay goobtaasi ku sugnaa dad kala duwan.

Qaraxa kale ee ka dhacay deegaanka KM-13 ayaa la sheegay in hareeraha laamiga lagu aasay lalana eegtay gaari nuuca dagaalka ah oo halkaasi marayay, waxaana qaraxa kadib rasaas furay ciidamadii gaariga la socday.

Inta la xaqiijiyay qaraxyadan miino ee xalay dhacay ayaa sababay geerida ilaa hal qof iyo dhaawacyada shan qof oo kale, dadka dhaawacyada qaba qaarkood ayaa la sheegay in dhaawacyo culus qabaan laguna daweenayo xarumo caafimaad.

Qaraxyada miino ee la galiyo hareeraha waddooyinka ayaa muddooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana dhawwaan qarax miino oo ka dhacay degmada Dayniile lagu dilay sargaal katirsanaa milatariga Soomaaliya iyo askari la socday

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Muqdisho ku dilay Nin Hub been abuur ah watay
Next articleCabdicasiis Maxamuud Diiriye oo Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 12 sano oo lasoo bandhigay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here