Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Qarax xoogan oo Lala eegtay Konayl Saneey Cabdulle iyo Saraakil badan oo...

Qarax xoogan oo Lala eegtay Konayl Saneey Cabdulle iyo Saraakil badan oo ku Dhimatay

0

Kolonyo gawaari ah oo uu la socday Korneyl Saney Cabdulle oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa qarax xooggan lagula eegtay inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo askar badan ay ku dhinteen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Mudug 24 u sheegay in qaraxa lagula dilay 9 askari oo ka mid ahaa ciidanka Saney Cabdulle. Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay askar kale oo aan tiradooda la shaacin.

Dhaawaca askarta ayaa waxaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, ayada oo askarta geeriyootay meydkooda la geeyay magaalada Jowhar.

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray in Saneey Cabdulle uu ka badbaaday weerarka, islamarkaana aanay wax dhibaato ah soo gaarin.

Sida aan xogta ku helnay, Saney Cabdulle oo ka yimid Muqdisho markii weerarka lagu qaaday ayaa u socday magaalada Jowhar oo lagu qabanayo doorashada kursiga HOP141 oo ay leedahay beesha uu kasoo jeedo.

 

 

Kursigan ayaa waxaa shantii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, balse waxaa dhowaanahan ka taagnaa xiisad ayada oo ay isku haystaan jufooyin ka wada tirsan beesha Harti-Abgaal.

 

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleGudomiyaha Cusub ee Golaha shacabka oo Si Rasmi ah Xilka Ulawareegay Balanqaad Culusna Sameeyey
Next articleNin cadaan ah oo toogtay haweenay madow ah oo uu sheegay inuu “Jeer ku qalday”