Home Wararka Maanta Qarax lagu soo dhex qariyay qashin oo ka dhacay Muqdisho

Qarax lagu soo dhex qariyay qashin oo ka dhacay Muqdisho

0

Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Maamulka Gobolka Maxamed Suudi oo xalay warbaahinta kula hadlay Waddada Sodonka ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax lagu soo dhex qariyay qashin oo habeen hore ka dhacay gudaha Muqdisho, kaas oo sababay khasaare soo gaaray muwaadin Soomaaliyeed.

Maxamed Suudi ayaa sheegay in qashin badan oo lagu soo daadiyay laamiga dhexdiisa, lasoogeliyay bac lagu qariyay qarax, kadibna ay waxyeelo kasoo gaartay hal qof.

Sidoo kale wuxuu ka digay dhibaatada ka dhalan karta qashinka oo si guud marka loo eego halis ku ah bulshadeenna.

“Qashinka laamiyada lasoo dhigaayo oo xalay ayaa u dambeysay ay dhibaato kasoo gaartay muwaadin Soomaaliyeed inta qashin bac lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa lasoo dhex-dhigay” ayuu yiri agaasimaha guud ee nadaafadda iyo bilic soo celinta gobolka.

Mudane Maxamed Suudi oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu qaadi doono tallaabo ka dhan dadka sameeyay falalkaasi ee dhibaatada ku haya muuqaalka guud ee caasimada, gaar ahaan dhanka bilicda.

“Dadka noocaas sameynaayo waxaan rabnaa inaan halkan digniin uga dirno qashin yaraa laamiga iska dhigaayay lagaama aqbalaayo, waxaad garab siineysaa nabad-diidka” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Banaadir, isaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan nadaafadda iyo bilicda caasimada.

“Reer Muqdisho waxaan leeyahay nadaafadda guud ahaan iyo gaar ahaan ka shaqeeya” ayuu mar kale yiri agaasime Maxamed Suudi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda olole ballaaran oo uu horkacayo maamulka gobolka Banaadir, si ooo horumariyo caasimada iyo dhismayaasheeda.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey khasaaraha Ka Dhashay Hoobiyayaal Saakay lagu Garaacay Muqdisho
Next articleFaahfaahinta khilaafka cusub ee ka dhex qarxay Sacuudiga iyo Imaaraadka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here