Home Wararka Maanta Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfahin kasoo Baxaysa

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfahin kasoo Baxaysa

0

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay laamiga dheer ee degmada Dayniile gaar ahaan meel ku dhaw aargada, waxaana qarxaaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa lala eegtay gaari nuuciisu yahay Prado oo la sheegay in ay la socdeen ciidamo milatari ah, qaraxa ayaana la sheegay in la dhigay laamiga dhinaciisa uuna kusoo booday gaariga.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu khasaaro kasoo gaaray qaar kamid ah ciidankii la socday gaariga la qarxiyay, waxaa sidoo kale qaraxu wararku sheegayaan in waxyeelo gaarsiiyay dad kale oo laamiga marayay.

Ciidamada ammaanka degmada Dayniile ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka qaadeen dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa, waxa ay sidoo kale aagaasi ka sameeyeen baaritaano

Ad
Previous articleMaxaa Kasoo Kordhay Wadahadaladii Deni iyo Axmed Karaash(Xog)
Next articleMadaxweynaha Ukrain ayaa Sheegay in Ruushku uu wado Duqayn Waali ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here