Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

0

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax caawa wax yar ka hor xiligii afurka ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsadaday gaadiid au wateen ciidamada AMISOM.

Qaraxan ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Kalkaal  oo ku dhow degaanka KM13 ee wadada afgooye xili ay halkaasi marayeen kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM oo ku soo jeeday Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa rasaas fara badan riday qaraxa ka dib sida dad goob joogayaal ah.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan lala beegsaday ciidamada AMISOM iyo rasaasta ka dambeysay, waxaana daqiiqado ka dib caadi ku soo laabtay isku socodka wadada Muqdisho iyo Afgooye

Ad
Previous articleBeesha caalamka oo Soo dhaweysay dhaarinta Xildhibaanada cusub
Next articleMadaxweyne Farmaajo Oo Caawa ka Hadlay Dhaarinta Xildhibaanada Xili Rooble Kaaga adkaaday Arintaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here