Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax caawa wax yar ka hor xiligii afurka ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsadaday gaadiid au wateen ciidamada AMISOM.
Qaraxan ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Kalkaal oo ku dhow degaanka KM13 ee wadada afgooye xili ay halkaasi marayeen kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM oo ku soo jeeday Muqdisho.
Ciidamada AMISOM ayaa rasaas fara badan riday qaraxa ka dib sida dad goob joogayaal ah.
Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan lala beegsaday ciidamada AMISOM iyo rasaasta ka dambeysay, waxaana daqiiqado ka dib caadi ku soo laabtay isku socodka wadada Muqdisho iyo Afgooye
Ad