Home Wararka Maanta Qarax Ka dhacay Degmada ee Ceeldheer ee Galmudug

Qarax Ka dhacay Degmada ee Ceeldheer ee Galmudug

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta qarax xoogan uu ka dhacay duleedka degmada Ceeldheer oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ah.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lasoo wariyay inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Gawaan oo hoostaga degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo uu ku dhaawacmeen mid kale, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Qofka dhintay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ahaa oo caan ka ahaan degmada Ceeldheer, waxaana lagu magacaabi jiray Aways Cali Guure (Butugeey), waxaana wararka intaasu ku daray qaraxa uu haleelay gaari ay la socdeen dadkaasi shacabka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamada deegaanka oo soo qaaday maydka wiilka dhalinyarada ah iyo qofka dhaawac ah oo haatan lagu dabiibayo degmada Ceeldheer.

Macawiisleyda ayaa sidoo kale howlgallo culus ka bilaabay aagga degmadaasi, si ay uga hortagaan weeraro kale oo ay soo abaabulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee horay looga qabsaday Ceeldheer iyo deegaano kale oo dhacay gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada ay wadaan dadaallo lau xaqiijinayo amniga, maadaama marar qaar waddooyinka ay ka dhacaan qaraxyo miino.

Al-Shabaab ayaa inta badan soo abaabusho weerarada noocaan oo kale ah, waxayna ku beegsataa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed & kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleRuushka iyo Turkigu maxay ka yiraahdeen dilka Haniyah ee Iran ka dhacay?
Next articleMadaxweynaha Iran oo si adag uga hadlay dilka Haniyah ee dalkiisa ka dhacay