Home Wararka Maanta Qarax Dad badan ka Yaabeen oo Goordhoow Ka Dhacay Muqdisho(Sawiro)

Qarax Dad badan ka Yaabeen oo Goordhoow Ka Dhacay Muqdisho(Sawiro)

0

Qarax jugtiisa si weyn looga  maqlay qeybo kamid  magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 , waxaana qaraxan la sheegay in ay ka dhasheen khasaaro kala duwan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhax dhacay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada nabad ilaalinta jooga Soomaaliya ee ATMIS, halka warar kalana sheegayaan in qaraxa suurto gal tahay in uu ahaa miino hareeraha waddada la dhigay.

Kolonyada gaadiidka ciidamada ATMIS ee qaraxa ka dhax dhacay ayaa ka yimid dhinaca laamiga Tarabuunka , waxa ayna marayeen xilliga qaraxa dhacayay agagaarka isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa kaddib ayaa ciidamada ATMIS waxa ay fureen rasaas xooggan oo qal qal badan galisay dadkii ku sugnaa isgooska KM-4 iyo hareeraheeda, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in qaraxa iyo rasaasta ay fureen ciidamada ka dhasheen khasaarooyin.

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaan wali faah faahin badan ka bixin qaraxan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho waxa uu ahaa iyo sidoo kale khasaaraha ka dhashay, taliska ATMIS ayaan dhankooda sidoo kale ka hadlin qaraxan.

Ad
Previous articleMaxamed Farxan Bashiir oo Asaga Qaraxyo Bajaaj lu Wada La Qabtay oo Xukun adag Lagu riday
Next articleCiidamada Somaliland iyo koox jidka u gashay dhaawacyo laga qaaday Laascaanood oo is fara saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here