Home Wararka Maanta Qarax Culus oo Haleelay Dad shacab ahaa oo Safar ku Jiray iyo...

Qarax Culus oo Haleelay Dad shacab ahaa oo Safar ku Jiray iyo dhimasho Badan ka dhalatay

0

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Shabeelada Hoose Gaar ahaan magaalada Marka ayaa sheegaaya Gaari Kasoo Baxay Magaaladaas oo Ku Wajahnaa Magaalada Qoryooleey uu Qarax Miino Haleelay.

Dad Goob Joogayaal ah ayaa Mudug24 uxaqiijiyay in Qaraxaas ay ku dhintaan ku dhawaad 10 Qof oo shacab ahaa Saarnaana Gaariga Qaruxu Haleelay Qaraxaan ayaana ka dhacay wadada Udhaxaysa Shalaanboow iyo degaanka Danow  gaar ahaan Halka loo yaqaan beerta abiikaroow.

wararka ayaa xaqiijinaaya Badi Dadkii saarnaa Gaarigaan ayaa noqday wax dhintay iyo wax dhaawac ah Dadka Meydadka Dadka Dhintay ayaa Loo Qaaday Magaalada Shalaanbood Halka Kuwii Dhaawaca ahaana loo Qaaday Magaalada Marka Si loogu daaweeyo Xarumaha Caafmaadka ee marka.

wali Koonfurgalbeed si rasmi ah ugama Hadlin Qaraxaan oo saakay Dhacay intabadan Gobalka Shabeelada Hoose ayaa Alshabaab kala Xireen inta badana alshabaab ayaa wadooyinka Galiya Qaraxyada noocaan ah.

Ma ahan Markii Ugu Horaysay ee Dad shacab ah oo safraaya ay miino kula kacdo Gobalka Shabeelada Hoose Mana haystaan meel kale oo ay Maraan.

dowlada Soomaaliya ayaa Lafilayaa Markay Galmudug iyo Hirshabeele Kasoo saaraan Alshabaab inay Dagaalka Wajiga labaad ka Bilaabi Doonaan Maamulka koonfurgalbeed oo Alshabaab Dhib Badan Ku haayaaan.

Ad
Previous articleMaxamed Coloow Maxamed oo oo isku soo dhiibay guutada Khaalid Bin-Waliid ee Ku Sugan Galmudug
Next articleShooble oo Sixir kula seexday Haween Badan kana Duubay Muuqaalo anshax xuma ah oo Maantay Muqdisho lagu xukumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here