Home Wararka Maanta Qarax Ay Ku Dhinteen 22 Caruur ah oo ka Dhacay Qoryooleey

Qarax Ay Ku Dhinteen 22 Caruur ah oo ka Dhacay Qoryooleey

0

25 Carruur ah ayaa ku geeriyootay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii uu ku qarxay mid kamida haraadiga madafiic hore oo ay ku ciyaarayeen.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley oo la hadlay Dalsan TV ayaa sheegay in carruurtaas goobta ku cayaarayeen Banooni, balse qaarkood ay gargaraaceen hub hore oo muddo goobta yaallay.

Wuxuu sheegay in 22 ka mid ah ay goobta ku geeriyoodeen, halka seddaxda kalena ay dib ka geeriyoodeen kadib markii goobta laga soo qaaday iyagoo qaba dhaawac culus.

“Saakay waxay aheyd Jimco wixii iskuul iyo dugsi lahaaba ciyaalkii waxay aadeen banooni, kadibna waxay garaaceen oo ku qaraxday bir weyn, waxaa halkaas ku geeriyootay 22 ka mid ah, 3-da kale oo mid Xamar loola cararay dib ayey ka geeriyoodeen,” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley.

Wuxuu intaas ku sii diray in carruurta geeriyootay ay da’doodu u dhaxeysay 15 ilaa 10 sano, “Hal gabar kuma jirin wiilal kaliya ayey ahaayeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in carruurtaan ay ku geeriyoodeen tuulo yar oo 5 KM u jirta magaalada Qoryooley, “Wadankaan wuxuu soo maray dagaal badan, waxa carruurtaan ku qarxay muddo ayey yaaleen halkaas oo hadda dhow wax la riday maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley.

Maamulka degmada Qoryooley ayaa dalbaday in dadka ku nool aagga degmadaas laga badbaadiyo khatarta ka soo wajaheysa qaraxyada ka dhalan kara haraadiga dagaaladii sokeeye iyo kuwii lala galay argagixisada.

“Dadkaan wacyi gelin ayey u baahan yihiin waxaan aqoon uma lahan, 2018-kii 8 qof ayaa sidaan oo kale ugu geeriyootay haraadiga waxyaabaha qarxa, waxaan ka codsaneynaa madaxda K/Galbeed inay hey’adaha ka shaqeeya arrimahaan ka dalbadaan inay wacyi gelin u sameeyaan dadkaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley.

Dhankiisa, Gudoomiyaha degmada Qoryooleey Ibraahim Malabow oo la hadlay BBC ayaa sheegay in deegaanka uu qaraxu ka dhacay lagu magacaabo Muraalle, isla markaana dhaca inta u dhaxeysa Qoryooley iyi Jannaale.

Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay kooxda Al-shabaab in ay hubka carruurta ku qarxay ay meesha dhigeen “Dowladdu Bam meel ka dhigto, waxaa halkaas Bamka dhigay Khawaarijta,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Qoryooley.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous article90 jir Reer Hindiya ah oo xabsi daa’in lagu xukumay kadib dil uu geeystay 42 sano ka hor
Next articleWAR DEG DEG AH: Hotel ku Yaala Xeebta Liido oo lagu Qaaday Weerar Ku Bilowday qaraxyo