Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay diyaarad ku burburtay Ceelbarde

Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay diyaarad ku burburtay Ceelbarde

0

Diyaarad kuwa xamuulka ah oo ay Qaramada Midoobay qandaraas la gashay ayaa maanta burburtay xilli ay ku degeysay garoonka diyaaradaha ee Ceel-Barde, ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Diyaaradan ayaa markii ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku cararaan waxa ay ku socotay si ay u geyso sahay bini’aadantinimo oo ay ugu tala gashay hay’ada cunada aduunka in halkaas la gaarsiiyo. Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, hal qof ayaa ku dhintay, laba qofna waa ay ku dhaawacmeen.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday, iyadoo sidoo kale u rajaynaysa caafimaad degdeg ah kuwa dhaawacmay. Iyadoo laga jawaabayo shilkaas, Qaramada Midoobay waxay la kaashanaysaa shirkadda diyaaradaha qandaraaska lagu siiyay, iyo sidoo kale maamullada federaalka iyo kuwa Koonfur-galbeed, si loo sameeyo baaritaan dhab ah.

Barnaamijka Cunnada Adduunka ayaa door muhiim ah ka ciyaara wax ka qabashada gaajada iyo u bixinta gargaarka dadka u baahan, gaar ahaan gobollada ay colaaduhu saameeyeen sida Soomaaliya.

“Qaramada Midoobay waxa ay wali ka go’an tahay xaqiijinta badqabka shaqaalaheeda iyo la-hawlgalayaasheeda, waxa ayna qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago in shilal la mid ah ay mustaqbalka dhacaan.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo Qaramada Midoobay ka soo baxay.

Ad
Previous articleHal Shuruud oo adag ayay ku xirtay Soomaaliya wadahadal ay la gasho Itoobiya
Next articleWar Deg Deg ah: IGAD oo Soo Saartay War ka Nixiyay Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here