Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo Markii Ugu horaysay Xarun ka Dhisanaysa Galmudug(Sawiro)

Qaramada Midoobay oo Markii Ugu horaysay Xarun ka Dhisanaysa Galmudug(Sawiro)

0

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo ku xigeenka erygeyga gaarka ah ee Qarammada Midoobe ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha xarunta Qarammada Midoobay. ee Dhuusamareeb.

Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa sheegay in maamulkiisa dadaal badan ku bixiyay in magaalada Dhuusomareeb laga hir-geliyo dhismo ay leedahay kuna shaqeeneyso Qaramada Midoobay

Qoor Qoor ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in dadaal dheer kadib maamulkiisu ku guuleesto in Dhuusomareeb laga dhagax dhigo xarumihii hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ku shaqeyn lahaayeen.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaan xarumo rasmi ah ku laheyn magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug , waxaana xaruntan marka la dhiso xafiisyo ka dhigan doona hay’adaha Qaramada Midoobay oo hadda ku shaqeeya Muqdisho.

Ad
Previous articleXildhibaannada golaha Shacabka oo dood adag ka yeeshay Mooshinka muddo kororsiga
Next article31,688-Arday oo maanta Muqdisho oo kaliya uu kaga bilowday Imtixaanka Dugsiga Dhexe (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here