Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo Ka Hadashay Samaaynta Ay Soomaaliya Ku Yesheen Qaraxyada

Qaramada Midoobay oo Ka Hadashay Samaaynta Ay Soomaaliya Ku Yesheen Qaraxyada

0

Iyadoo maanta loo asteeyay maalinta caalamiga ah ee  ka wacyi gelinta iyo kaalmaynta miinooyinka, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay maanta soo bandhigtay saamaynta ay musiibadani ku yeelatay Soomaalida, waxayna mar kale cadaysay inay taageerto sidii Soomaaliya looga xorayn lahaa khataraha walxaha qarxa.

“Wasakhowga iyo haraadiga qaraxyada iyo miinooyinka ka dhashay colaadaha Soomaaliya ka socday sannado badan waxay  wali ku haysaa inay saameyn xun ku yeelato badbaadada iyo amniga aadanaha, waxayna carqaladaynaysaa dadaallada horumarineed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Sii wadida isticmaalka walxaha qarxa ayaa khatar weyn ku ah dalka iyo dadka,” ayuu raaciyay. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay kala shaqeyso maamulada Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda  miino saarista, tasoo sahlaysa dhismaha nabadda, bini’aadantinimada, iyo dadaallada horumarinta dhaqan-dhaqaale iyadoo la ilaalinayo rayidka.”

2020, 501 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay Soomaaliya sababo la xiriira walxaha qarxa iyo haraadiga dagaalka. Sannadkii 2021, tirada dhaawacyadu waxay korodhay oo gaadhay 669 dhaawac.

Ad
Previous articleYaa Horay U xayiray Lacagtii Shalay Rooble u Fasaxay ee Qasnada Dowlada Ku Jirtay(Xog)
Next articleXukuumada Soomaaliya oo Maantay Soomaalind ku Wareejjnaysa $12 Millon oo Doolar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here