Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo Aqbashay Codsi uu Xasan Shiikh Dhawaan Dorsaday

Qaramada Midoobay oo Aqbashay Codsi uu Xasan Shiikh Dhawaan Dorsaday

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u hakiyay bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Golaha ayaa muddo saddex bilood ah hakiyay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS (ex-AMISOM).

Go’aankan ayaa imanaya ka gadaal markii dowladda Soomaaliya ay gudbisay codsi ku aadan in ciidamada ATMIS ay sii joogaan dalka, si ay xilligaan gacan uga geystaan dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Codsiga Soomaaliya ayaa waxaa taageeray Midowga Afrika iyo dhammaan dalalka ku deeqa ciidamada xoogga dalka.

Dhawaan, madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaan ka duulaya ayaa u dhoofay dalka Jabuuti, isaga oo halkaas u aaday inuu madaxweyne Geelle kala soo hadlo in ciidamadiisa ay sii joogaan aagga magaalada Dhuusamareeb oo uu hadda ka socda abaabulka dagaalka.

Dhinacyada ayaa isku raacay in muddo 90 maalmood ah oo saddex bil ah dib loo dhigo ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Afrika Martha Pobee, oo booqatay Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adaha caalamiga ah ay xaqiijin doonaan yoolka in ciidamada Soomaalida ay la wareegaan masuuliyadda amniga.

Martha Pobee ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in ciidamada ATMIS ay si tartiib tartiib ah uga bixi doonaan Soomaaliya, iyada oo aan khatar la gelinayn guulaha laga gaaray dhanka ammaanka gudaha.

Si kastaba, qaraarka QM ayaa dhigaya in dhammaadka sanadka soo socda ciidanka ATMIS guud ahaan laga saaro Soomaaliya, si ay amniga ula wareegaan ciidanka Xoogga dalka, taas oo hadda la isla fahmay in dib loo dhigo 3-bilood kaliya.
Ad
Previous articleDowlada Iiraan oo digniin culus kasoo saartay dagaalka Gaza
Next articleBaanaanbax looga Soo Horjeedo Dhacdadii Xalay Ka Dhacay Guriceel oo Halkaas lagu Qabtay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here