Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xalay gacanta ku dhigay shabakad isku xiran oo qalab u waday kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Galgala ee maamulkaasi.
Kooxdan oo ka kooban 5 qof oo mid kamid ah ay tahay haweeney ayaa lagu qabtay koontaroolka galbeed ee caasimada Garoowe.
Magacyada shanta qof oo sawirradooda lasoo bandhigay ayaa lagu kala sheegay 1-Faisa Cali Maxamed, 2-Cabdi Axmed Cusmaan 3-Haaddi Cumar Cilmi, 4-Cabdi Maxamuud Cali, 5-Saalax Cabdulqaadit Mahad
Sidoo kale wuxuu booliska shaaciyay waxa uu yahay qalabka lagu qabtay ee loo waday kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah:-
1-Gacamo kuwa loo isticmaalo GPS MAP, 2-Qalbkaa Caafimaad oo dhamaystiran ( A leukocyte alkaline phosphatase (LAP) – Laboratory 3-Biisooyin Kaashwito, 4-Kabo balistig ah, 5- Envactar kuwa solar loo isticmalo. ( Inverter solar energy system), 6- Hal Mobile kuwa qarxa lagu kiciyo. ( An improvised explosive device (IED) Cell Phone),
Warbixinta kasoo baxday booliska gobolka Nugaal ayaa waxaa sidoo kale lagu yiri “Laanta Dembi-baarista ee Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa xaqiijiyey in dadka la qabtay iyo qalabka ay wadeen ay ku socdeen Buuraha Gobolka Bari, kuwaa oo laga keenay Koonfurta dalka Soomaaliya”.
Waxaa kale oo lasii raaciyay :Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa eedaysanayaasha iyo qalabka lagu qabtay la horgayn doonaa Laamaha Garsoorka”.
Ugu dambeyn booliska Puntland ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada, si looga hortago falalka ammaan darrida ah
“Booliska ayaa fariin adag u diraya dhammaan dadka ku hawlan falalka amniga lidka ku ah in tilaabo sharci ah laga qaadi doono, waxaana shacabka Puntland ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan Laamaha amniga si kooxaha Argagixisada ah tilaabo sharci ah looga qaado” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska qaybta gobolka Nugaal.