Home Wararka Maanta Qaabka uu Shiinuhu u xado xogta sirta ah ee Mareykanka

Qaabka uu Shiinuhu u xado xogta sirta ah ee Mareykanka

0

Waxuu ahaa sawir u eg mid aan wax yeello ku duugnayn balse noqday jab ku yimid Zheng Xiaoqing, oo horay u ahaan jiray shaqaale u shaqaynayay shirkadda tamarta iyo korantada ee General Electric Power.

Sida laga soo xigtay waaxda cadaaladda Maraykanka ee dacwad soo oogidda, muwaadinkan Mareykanka ayaa faylal sir ah oo laga xaday shirakadda uu u shaqaynayey ku dhex qariyay sawir uu ka qaaday qorrax dhaca isagoo xogta ka dhigay qaab lambaro ah. Ka dib Mr Zheng ayaa sawirkii ku dirsaday email-kiisa.

Waxay ahayd farsamo afka qalaad lagu dhaho “steganography”, oo ah hab lagu qariyo fayl xogtiisa gudaha warbixinta fayl kale oo aan sir ahayn. Mr. Zheng ayaa dhowr jeer sidan sameeyay si uu faylal xasaasi ah uga qaado shirakaddan uu u shaqaynayey.

GE waa shirkad caalami ah oo caan ku ah shaqada daryeelka caafimaadka, tamarta iyo waaxyaha hawada, taasoo waxyaabo badan soo saarta laga billaabo Tallaagadaha wax qaboojiya ilaa matoorrada diyaaradaha.

Xogta uu Zheng xaday waxay la xidhiidhay naqshadaynta iyo samaynta marawaxadaha gaaska iyo uumiga oo ay ku jiraan marawaxadaha iyo shaabadaha marawaxadaha. Qiimaha xogtan la xaday ayaa lagu sheegay malaayiin doolar. Xogtan oo shiinaha loo diray ayaa ugu dambeyntii Faa’iido weyn u noqonaysa Dawladda Shiinaha, Shirkadaha iyo sidoo kale Jaamacadaha Shiinaha.

Zheng ayaa lagu xukumay labo sano oo xarig ah horaantii bishan. Waa kiiskii ugu dambeeyay ee taxane kiisas noocan oo kale ah oo ay mas’uuliyiinta Mareykanka soo oogeen. Bishii Nofembar Xu Yanjun oo u dhashay Shiinaha oo la sheegay inuu ahaa basaas  ayaa lagu xukumay 20 sano oo xadhig ah, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu qorsheynayay inuu xado siraha ganacsiga ee dhowr shirkadood oo qaabilsan duulista iyo hawada Mareykank – kuwaas oo ay ku jirto GE.

“Shiinuhu wuxuu doonayaa inuu meesha ka saaro meeqaamkeenna”

Mar uu ka hadlayey kiiska Zheng ayuu Alan Kohler Jr  oo ah Sarkaal sare oo FBI-da ka tirsan sheegay in Shiinuhu uu beegsanayo “xariifnimada Mareykanka” oo uu doonayo inuu “ka tuuro meeqaamkooda” hgoggaaminta caalamka.

Marawaxadaha gaaska ee diyaaradaha korontada ku shaqeeya ayaa udub dhexaad u ah horumarinta warshadaha duulista ee Shiinaha.

Qalabka hawada iyo duulista ayaa ka mid ah 10-ka qaybood ee ay mas’uuliyiinta Shiinuhu ku beegsanayaan horumar degdeg ah si loo yareeyo ku tiirsanaanta waddanku ku tiirsan yahay tignoolajiyaada ajnabiga .

Balse basaasnimada warshadaha Shiinaha ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysa qaybo kale oo badan.

Sida laga soo xigtay Ray Wang, aasaasaha iyo maamulaha hay’adda latalinta iyo cilmi baarista ee fadhigeedu yahay Silicon Valley, meelaha ay basaasiinta Shiinuhu bartimaameedsadaan waxaa ka mid ah horumarinta dawooyinka iyo qalabka tiknoolojiyadda ee lagu sameeyo waxyaabaha il-ma-qabatada ah ee loo yaqaanno “nanotechnology”.

Mr Wang waxa uu soo xigtay sheeko uu qoray madaxii hore ee cilmi baadhista iyo horumarinta ee shirkadda Fortune 100, kaas oo u sheegay in “qof uu aad u aaminay” – oo sida ay isugu dhow yihiin xataa carruurtooda isla koreen – in ugu dambayntii la ogaaday in uu ku jiro liiska dadka mushaarka ka qaata Xisbiga Shuuciga Shiinaha.

“Wuxuu si naxariis leh iigu sharaxay in basaasiinta ay meel walba joogaan,” ayuu yidhi.

Heshiiska xakameynta wax Jabsashada “wuxuu noqday ciyaar ciyaar”

Waxaa si gaar ah la isku dayay in la xakameeyo jabsashada.

Sannadkii 2015-kii Maraykanka iyo Shiinaha waxa ay gaadheen heshiis ay labada dhinacba ku ballan-qaadeen in aanay fulinayn “xatooyada internetka ee hantida cilmiga oo ay ku jiraan sirta ganacsiga ama macluumaadka kale ee faa’iidada ganacsi leh”.

Sannadkii xigay, Hay’adda Ammaanka Qaranka ee Maraykanku waxay ku eedaysay Shiinaha inay jabiyeen heshiiska, inkastoo ay qiratay in tirada isku dayga loo sameeyay in la jabsado xogta dawladda iyo shirkadaha ay “si weyn” hoos ugu dhacday.

Laakiin dadka arrimahan indha-indheeya ayaa sheegaya in saamaynta guud ee heshiiska ay ahayd mid aad u yar. Mr Wang waxa uu sheegay in heshiisku uu noqday mid “iska ciyaar ah” taas oo ay ugu wacan tahay dhaqangelin la’aantiisa. Basaasnimada internet-ka ee Shiinaha ee lala beegsado Maraykanka waxa ay ahayd mid “balaadhan” oo ku fidday shaybaadhka tacliinta. “Waxay ka socotay dhinac kasta oo ganacsiga reer galbeedka ah,” ayuu ku yiri wareysi nuu siiyay BBC.

Hase yeeshee Lim Tai Wei oo ka tirsan Jaamacadda Qaranka ee Singapore ayaa xusay in aysan jirin “daraasaad aan la isku raacsanayn oo qeexan” oo ku saabsan inta ay la egtahay dhacdada.

“Qaar waxay aaminsan yihiin in muddo gaaban ay hoos u dhacday basaasnimada internetka ee Shiinuhu ku hayo Maraykanka, laakiin ay dib ugu soo noqotay heerkeedii hore. Qaar kale waxay aaminsan yihiin in uu ku guuldareysatay sababo la xiriira cilaaqaadka Maraykanka iyo Shiinaha oo guud ahaan xumaaday,” ayuu yidhi.

Dhanka kale Mareykanka ayaa hadda si toos ah isugu dayaya inuu hor istaago horumarka Shiinaha ee warshadaha semiconductor-ka muhiimka ah – oo muhiim u ah wax walba laga bilaabo taleefannada casriga ah ilaa hubka dagaalka – isagoo leh adeegsiga Shiinaha ee tignoolajiyada ayaa khatar ku ah amniga qaranka.

Ad
Previous articleMucaaradka kasoo Horjeeda Dowlada wilyam Ruuto oo Shaaciyay maalinka ay dib u billaabayaan dibad-baxyada
Next articleHub iyo Dharka Ciidamada milatariga oo lagu qabtay hoteel ku yaallo Muqdisho Xili Howlgal Culus uu socdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here