Home Wararka Somaliya Puntland Puntland“Damuljadiid maanta waxay la mid tahay Damuljadiidii toban sano ka hor”

Puntland“Damuljadiid maanta waxay la mid tahay Damuljadiidii toban sano ka hor”

0

Puntland ayaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeysay ineysan rabin nidaam dowladnimo oo sax ah iney ku maamusho dalka, iyadoo hadalkan uu ku soo beegmay xili labada dhinac uu mudooyinkan u dhexeeyey khilaaf xoogan oo  arrimo kala duwan salka ku haya.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo ka hadlayey madal dadweyne ayaa hoos u dhigay khilaafka kala dhaxeeya Puntland, isagoo sheegay in uusan ogeyn halka ay kala dagaalansan tahay dowladiisa.

Wasiirka Qorsheynta Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa xusay in khilaafka Puntland iyo dowladda Xasan Shiikh uusan la xiriirin dano shaqsi ah.

“Madaxweynihii iyo ra’iisul Wasaarihii haddii ay ka hadli la’yihiin  Laascaano oo wiilal iyo gabdho Soomaali oo calan buluug ah wato lagu laynayo, Soomaalinimo ma rabaan” ayuu yiri wasiirka.

Maxamed Saciid Faroole ayaa sheegay in inta laga helayo dowlad si sax ah nidaamka federaalka u maamusho in Puntland ay dhinac iska dhigeyso xiriirka federaalka, ayna ku dhaqmeyso waxyaabaha dastuurkeedu u ogol yahay.

“Inta laga helayo Dowlad cadaalad ah oo ay ka dhab tahay in nidaam federaal cadaali ah laga hirgeliyo dalka, waxay Puntland isticmaaleysa waxyaabaha Dastuurkeeda u ogol yahay, oo waxa aan qabsan karno qabsano umana dhutinayno Xamar,” ayuu yiri Wasiirka.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Xassan Shiikh uusan wax khibrad ah ka qaadanin khaladaadkii uu maamulkiisu galay muddo xileedkiisii hore.

“Damuljadiid maanta waxay la mid tahay Damuljadiidii toban sano ka hor, wax ay ku kala duwan yihiina ma jirto” ayuu yiri wasiirka.

Puntland ayuu sheegay inay hadda u soo jeesatay inay ka shaqeyso danaheeda ayna dhinac iskaga dhigeen xiriirkii dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Xamar joogta oo iyadaba la waardiyeeyo ayaa rabta inay mashruuc walba iyo hay’add walba gacanta ku hayso.” ayuu yiri Wasiirka.

Puntland ayaa ku caan baxday iney mucaaradad kala hor timaado madax kasta oo loo doorto dowlada Soomaaliya marka laga reebo dowladii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed oo ay si weyn u taageereen maadaama uu degaanada Puntland ka soo jeeday.

Ad
Previous articleCali Guudlaawe oo kulan la qaatay Safiir Ku-xigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya
Next articleweerarar lagu Qaaday Madaxtoyada Ruushka & Putin oo dil ka badbaaday(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here