Home Wararka Maanta Puntland ooo si Cad u SHeegtay inaysan Doonayn in Soomaaliya Daynta Laga...

Puntland ooo si Cad u SHeegtay inaysan Doonayn in Soomaaliya Daynta Laga Cafiyo

0

Wasiirka Qorsheynta Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa ku eedeeyey dowlada Somalia iney waddo qorshe ay ku doonayso in deymo cusub uga hesho dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah.

Maxamed Siciid Faroole ayaa hadalkan ka sheegay Shirweynaha Kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga Puntland ee shalay lagu soo xiray magaalada Garowe.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo in DF la siiyo deyn cusub xili aan weli la  dhameystirin qorshihii Soomaaliya looga cafin lahaa deymihii hore.

Wasiirka Qorsheynta Puntland waxaa uu intaas ku daray in Puntland ay warqad u diri doonto deyn bixiyaasha caalamka si ay uga hortagto arrintaasi.

“Wax Puntland kasoo gaaray ma jirto deynta la sheegayo in la cafinayo Soomaaliya, dhamaantood Koonfur ayay gashay, Hadda deyntii in la cafiyo oo deyn cusub la qaato ayaa la rabaa, deynta cusub yaa lagu qaadanaya? anaga ayaa nalagu qaadanaya mana aqbalayno.”ayuu yiri wasiirka.

“Waa ka soo horjeedna in deynta Soomaaliya laga cafiyo, waana diidanahay in magaceena (Soomaaliya) lagu qaato deyn cusub anaga oo waxba ogeyn oo masaakiin ah” ayuu intaas ku daray Wasiirka.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aaday xili dhowaan Madaxweyne Xassan Shiikh shaaciyay in dowladdu qaadaneyso boqolaal milyan oo dollar, taasoo lagu hirgelin doono mashaariic horumarineed sidda Isbitaallo, iskuulo waaweyn guud ahaan dalka iyo kaabeyaal dhaqaale oo suuragal ka dhigi kara in deyntaas la gudo, iyadoo laga faaii’deysanaayo kheyraadka ay Soomaaliya caanka ku tahay sida beeraha kaluumeysiga, xoolaha iyo midka dihan ee shidaalka.

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24
Ad
Previous articleShirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Maanta Ka Furmayo Baydhabo Iyo Puntland Oo Diiday inay kasoo Qaybgalaan
Next articleGaraadada Laascaanood oo Diiday Dalab ugu Yimid Dowlada Itoobiya