Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo Xariirka U jartay Dowlada Soomaaliya kadib Shir deg deg ah...

Puntland oo Xariirka U jartay Dowlada Soomaaliya kadib Shir deg deg ah oo ka Dhacay…

0

Shir deg deg ah oo xalay ay yeesheen Golaha Wasiirrada Puntland ayaa soo idlaaday, kaasi oo looga arrinsanayay tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkan deg deg ah oo uu guddoominayay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa tashi dheer kadib lagu gaaray mowqifka maamulka ee ku aadan meel-marinta wax ka beddelka dastuurka ee ay gadaal ka riixaysay Villa Somalia.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa aqoonsiga kala laabtay dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan xogaha kasoo baxaya shirka deg-dega ee usoo idlaaday golaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu maamulka ku eedeeyay inuu jebiyey dastuurkii lagu doortey. Sidoo kale golaha ayaa gaaray go’aan kale oo loo cuskadey qodobka 4-aad ee dastuurka dowladda Puntland.

Puntland ayaa horey u diidaneyd sida ay Villa Somalia u wado wax ka beddelka dastuurka, ayada oo ka digtay wixii shalay ka dhacay xarunta baarlamaanka, xilli hoggaankeeda uu khilaaf siyaasadeed xooggan kala dhaxeeyo madaxda sare ee dowladda federaalka.

Ad
Previous articleAskar Dadbadan ku Dhacay Muqdisho oo Xukuno Adag lagu riday
Next articleOdawaa oo Si Cajiib ah ula Hadlay Farmaajo iyo Shiikh shariif

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here