Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Biixi oo la hadlayay labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa ku eedeeyay Puntland inay qayb ka tahay colaadda weli ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Wasiir Dirir oo ka jawaabay eedeyntaasi ayaa sheegay in dadka la dagaallamaya Somaliland ay yihiin kuwii uu horay u dul dulmiyay Muuse Biixi, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaanu ku leenahay cod dheer iyo cod gaaban Muuse isaga ayay ku kooban tahay dadkii uu dulmiyaybaa iska celiyayoo hubka qaatay,” ayuu yiri wasiirku.
“Annaga Puntland kuma jirno, ciidamadeenana qayb kama ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka warfaafinta Puntland,”
Sidoo kale wasiirka warfaafinta Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay mowqifka Puntland ee ku aadan arinta gobolka Sool, waxuuna tilmaamay inay qabaan in masiirkooda iyo rabitaankooda loo daayo dadka degan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee SSC.
Si kastaba, ma’ahan markii ugu horreysay oo labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ay hadallo caynkaan kale ah isku mariyaan warbaahinta, tan iyo markii uu billowday dagaalka muddada dheer ka socda gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.