Home Wararka Maanta Kulane Jiis oo Weerar afka ah ku qaaday Dowladda iyo Wasiirka Gaashaandhigga...

Kulane Jiis oo Weerar afka ah ku qaaday Dowladda iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo u jawaabay

0

Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo loo yaqaan (Kulane Jiis) kana mid ahaa ragii aadka ugu dhawaa madaxweyne hore Farmaajo ayaa ku dhaliilay dowladda Soomaaliya  in ay fashilisay dagaalkii lagula jiray Al Shabaab oo ay hormuudka u ahaayeen Macawuusleyda.

Kulane Jiis ayaa sheegay in dagaalkii lagula jiray Al-Shabaab uu lahaa fursado gaar ah oo loogana adkaan karay Al Shabaab, waxa uuna xusay kacdoonkii Macawuusleyda oo la dhiiro galiyo ahaa fursado Al Shabaab meesha looga saari karay.

”Waxaa jiray kacdoonkii Macawisley iyo ciidan karti leh oo dhisan loogana adkaan karay Alshabaab, dagaalku waxa uu isu beddelay fashil sida ku cad hadalka  Gudoomiye Cali Jayte. Qayla-dhaanta Cali Jayte waxay tilmaan u tahay baaxadda guul-darrada taagan.
Dowladda waxay meel cidlaa ku beerdareysay taageerada bulshada iyo halgankii Macawisleey ee dad badani ku shahiideen” ayuu yiri Kulane Jiis.
Hadalkan kasoo yeeray Xildhibaan Kulane waxaa si adag uga jawaabay wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur, waxa uuna sheegay in layaab tahay in dadkii muddo shan sanno ah daawanayay Al Shabaab in maanta ka hadlaan fashil.
Wasiirka ayaa sheegay in shantii sanno ee lasoo dhaafay uuna xukunka dowladdii Farmaajo qeybta ka ahaa xildhibaan Kulane Jiis in gumaadka Al Shabaab u geesanayeen shacabka lagu fiirsanayay.
”Waxaa wax lagu qoslo ah ragii 5 sano Khawaarij ku daawanaayey Shacabkeena iney gumaadaan iyagoo xukunka jooga in ay maanta ka hadlaan waxay ugu yeereen (Fashil) Macawiisleey iyo Ciidanka Xooga waxa ay ka qabteen Khawaarij iyo waxa ay qaban doonaan.” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.
Hadaladan iska soo horjeeda ee kasoo yeeray wasiirka iyo xildhibaanka kawada tirsan dowladda federaalka ayaa kusoo aadaya xilli uu istaagay kacdoonkii Al Shabaab lagula dagaalamayay uuna bilaaban wali wajiga labaad dagaalka dowladda ku dhawaaqday.
Ad
Previous articleDhaqaalaha Maraykanka kaga baxay Soomaaliya oo la shaaciyey
Next articlePuntland oo Si adag uga Jawaabtay Hadalkii kasoo Yeeray Muuse Biixi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here