Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo Garowe kula hadlay saxaafadda, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay dagaal kula jirto xasiloonida Puntland, iyadoo u maraysa siyaasiyiinta Puntland kasoo jeeda oo xilalka ka haya xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta ayaa caddeeyay in xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya dib loo hagaajin karo kaliya haddii dowladda Federaalka ka laabato wuxuu ugu yeeray burburinta nidaamka federaaliisimka.
Wasiirku wuxuu sheegay in Puntland ay dhowreyso muddada halka sano iyo saddexda bilood ah ee u harsan Madaxweyne Xasan Sheekh. “Xasan hal sano iyo dhowr bilood baa u harsan, wuuna baxayaa,” ayuu yiri Wasiirka.
Wuxuu dhinaca kale ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hagardaamaynayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, isagoo xusay in Dowladda Federaalka ay leedahay ciidan geesiyaal ah, balse aysan jirin dowlad si dhab ah u garab taagan.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhawaan sheegay in dowladda Federaalka aysan dib ugu laaban doonin doorasho dad ban. Isagoo sheegay in caalamka uusan diyaar u ahayn inuu la shaqeeyo dowlad ku timaada nidaam aan la aqoon