Waxaa duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Badda Maamulka Puntland ee PMPF.
Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan ayaa waxaa lagu dilay degaanka laanta Hawada oo Bari ka xiga Magaalada Garoowe, waxaana dilkiisa ka dambeeyay askari ka tirsan Ciidanka Puntland.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dilka uu yimid kadib markii uu muran dhex-maray marxuumka iyo ninka dilka gaystay oo markii dambe la qabtay, isaga oo isku dayay in uu baxsado.
Dilkaan duleedka Garoowe loogu geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Nabadsugida Puntland ayaa kusoo aadaya xilli Maalin ka hor Magaalada Garoowe ay ilaalada Madaxweynaha Puntland ku dileen Gabar lagu Magacaabi jiray Maryan Axmed Caato.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay
Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka