Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo k Dhawaaqday inay Xirmeen 21 Iskuul Sababtana Shaacisay

Puntland oo k Dhawaaqday inay Xirmeen 21 Iskuul Sababtana Shaacisay

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay shirka waxbarashada xaaladaha deg deg ah ee Puntland oo ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa looga hadlay culusyada soo wajahaya ardayda iyo goobaha waxbarasho ee maamulkaasi.

Qoraal dheer oo ka soo baxay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay wajahayso xaalado adag oo isugu jira isbedalka cimilada, abaaro dabo dheeraday, duufanno, aafadda ayaxa, rabshado iyo xanuunka COvID-19, Isla markaana dhibaatooyinkaasi ay ka dhasheen barakac baahsan.

Wasaaradda waxbarashada Puntland oo sharraxaad ka bixineysay saameyta ay abaarta ku yeelatay waxbarashada ayaa xaqiijisay inay xirmeen illaa 21 iskuul oo ay dhiganayeen 8,624 arday, sido kale abaartu ay saamaysay 65,320 arday dhamaan goboladda Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in si wax looga qabto xaaladdaan adag, ay wasaaradda waxbarashada, iyada oo kaashanaysa mashruuca waxbarashada, haya’dda badbaadada Caruurta (Save the Children) ay qabteen shirweyne looga hadlayey xaaladda ka sii daraysa ee abaarta iyo saamaynta ay ku leedahay waxbarashada, waxaana shirka ka qay bgalay dhamaan bahwadaagta waxbarashada o ay ku jiraan saraakiisha maamulka, hay’adaha gargaarka QM iyo kuwa aan dawliga ahayn, bulsha-weynta Puntland, Ganacsatada iyo Qurbajoogta.

Ad
Previous articleMaamulka Puntland oo soo bandhigtay Saraakiil ajnabi ah oo ka tirsan Daacish
Next articleDeg Deg: Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Nabad Sugida Oo Goordhow Muqdisho lagu Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here