Home Wararka Maanta Puntland oo Guul lama Filaan ah Ka gaartay Dagaalkii ay ku Qaaday...

Puntland oo Guul lama Filaan ah Ka gaartay Dagaalkii ay ku Qaaday Daacish

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan Daacish ay Puntland ka wado dhulka buuraleyda ee gobolkaasi, gaar ahaan aagga Calmiskaad, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxda.

Ciidamada Puntland ee la dagaalamaya Khawaarijta Daacish ayaa isku sii fidinayo deegaanno horleh, waxaana maanta dagaalka ay ka gaareen guullo kale oo wayn.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland waxaa maanta ciidamada ay la wareegeen talisyo waa waayn oo ay kooxda ku lahayd buuraha hoostooda, sidoo kalena laga qabsaday shidaal iyo saanad kale oo muhiim ah.

“Allaahu Akbar, ciidanku wuxuu la wareegay talisyo waa weyn Shidaal, Hub iyo Agab kale” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland.

Horay ciidamada Puntland ayaa inta uu socday howlgalka ku burburiyay ugu yaraan sideed talis oo Khawaarijta Daacish ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad , sida ay sheegtay Puntland oo qoraal soo saartay.

“Ciidamada difaaca Puntland ayaa in ka badan 8 Talis iyo Saldhigyo ka burburiyey Argagixisada daacish, kuwaas oo ay ku lahaayeen buuraleyda Calmiskaad ee G. Bari, gaar ahaan togagga Lugele, Dhabanacado, il iyo Camayra, Hoobato, Taagtaag iyo buurta Baal-gorey” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada PMPF.

Sidoo kale waxaa lasoo riday diyaarado Drones ah oo ay adeegsanayeen xubnaha kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halka kalena la qabtay.

Xaaladda ayaa weli kascsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa goobaha ay howlgallada ka socdaan ee aagga Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleIsraail oo Guuldaro xanuun Badan kala kulantay Dagaalkii Gaza Xili Lagu Dhawaaqay Heshiis Rasmi ah
Next articleCiidamada Amaanka Muqdisho oo Jaawaab Culus Ka bixiyay Weerarkii Habeen Hore ee Daarusalaam