Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in shakhsiyaad magaca soomaaliyeed wata oo waliba wakhtigoodii dhamaaday inay mar labaad kala irdheeyaan dadka soomaaliyeed.
Wasiirka oo ka hadlayay kulan ka dhacay Garoowe ayaa sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya ee muddo xileedkeeda uu dhamaaday ay ka Shaqeeynayaan sidii loo burburin lahaa Maamulka Puntland, isla markaana dhaqaalo ku bixinayaan.
Wasiir Gallan waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya Madaxdeeda aysan ka hadlin weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso, taas bedelkeedana ay degaannada Puntland ka wadaan kicin dadweyne iyo inay abuuraan khalalaaso.
“ Waxaad ka wada dheregsan tihiin in Magaalooyinka Amniga ah oo ay ugu dambeeysay Magaalada Dhahar inay isku dayeen inay falqalado ka abuuran inay dadka kiciyaan iskana horkeenaan, inay Baraha bulshada ku muujiyeen wixii ka dhacay dhahar in ay yihiin in dad lagu xadgudbay ayuu yiri” wasiirka Amniga Puntland.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan waxaa uu sheegay in howlaha ay Madaxda dowladda Soomaaliya ka abaabulayaan magaalada Muqdisho in aysan aheyn wax laga sugi karo oo ah dawadii Soomaaliya.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu xoogeysaty khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Puntland.