Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo Dowlada Federalka Eed Culus usoo Jeedisay

Puntland oo Dowlada Federalka Eed Culus usoo Jeedisay

0

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga hortimid hanaanka ay dowladda federaalka Soomaaliya sanadkaan u maareysay arrimaha Xajka.

Puntland ayaa waxay dowladda federaalka ku eedeysay inay musuq-maasuq ku sameysay qeybsiga saamiga Xajka, taasi oo si weyn loogu cambaareeyay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caddaaladda Puntland.

”Wasaaradda Caddaaladda Puntland waxay cambaaraynaysaa boobka, eexda iyo musuq-maasuqa ay wasaaradda diinta iyo awqaafta federaalku ku samaysey hab qeybsiga, maamulka iyo adeegyada Xajka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland.

Wasaaradda ayaa ku eedaysay dowladda federaalka Soomaaliya inay si ku dhisan caddaalad-darro u qeybisay saamiga Xajka ee sanadkaan, islamarkaana maamulka Puntland ka siisay 850 kursi tirada guud oo dhan 11,500.

“Waxay magacowday (wasaaradda) guddi mukhalasiin ah oo ka kooban shaqaalaha wasaaradda oo xigto iyo xaalad dhow la ah madaxda wasaaradda, shaqadooduna tahay in ay lacagaha ka soo aruurshaan xujeyda.”

Puntland ayaa sidoo kale waxay wasaaradda diinta iyo awqaafta federaalka ku eedeysay inay la wareegtay adeegyadii shirkadaha Xajku siin-jireen xujeyda, taas oo saamayn togan ku yeelan doonta tayada adeega, cibaadada iyo nolosha xujeyda.

“Wasaaradda ma samayn tartan furan oo shirkadaha Xajka Soomaaliyeed ugu tartamaan si xalaal ah oo daah-furan si xujeyda u helaan adeeg tayo leh. Halka wasaaraddu xulatay ay ka qaadey lacago hormaris ah.”

Eedeynta Puntland ayaa imaneysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay shaacisay in meesha laga saaray musuq-maasuqii adeegga Xajka, islamarkaana qiimihii hore hoos loo dhigay.

Dowladda ayaa sidoo kale hore ugu dhawaaqday in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kadib markii meesha laga saaray musuq-maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Go,aan lama Filaan ah kaso lo Saartay Maaamulkii Uu axmed Madoobe umagacaabay Gobalka Gedo
Next articleDowladda federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah u shaacisay tirada u horreeysay ee ciidanka ATMIS ee laga saarayo dalka Bishaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here