Home Wararka Maanta Prof C/wahaab Sheikh Cabdi samad oo la sii daayay.

Prof C/wahaab Sheikh Cabdi samad oo la sii daayay.

0

Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo la sheegay in la afduubtay horraantii bishan ayaa la siidaayay, sida uu sheegay Haki Africa, oo ah urur u dooda xuquuqda aadanaha oo qaabilsanaa daba galka kiiskiisa.

Qoraal kooban oo kasoo baxay ururkan ayaa lagu sheegay in Cabdiwahaab uu hadda la joogo qoyskiisa. Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan afduubka aqoonyahanka lama bixin, iyadoo Haki Africa ay xaqiijisay in qoyskiisu ay warbaahinta kala hadli doonaan kiiska afduubka aqoonyahanka.

Warka waxaa sidoo kale xaqiijiyay Faarax Macallin, guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya, kaas horey uga codsaday Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu amro sii deynta Cabdiwahaab.

Dowladda Kenya weli kama hadlin kiiskan tan iyo siddeedii bishaan oo ahayd waqtigii Proff, Cabdiwahaab Sheikh Cabdisamed laga qafaashay bartamaha magaalada Nairobi, isagoo afduubkiisana ay ka dambeeyeen ciidamada booliiska Kenya.

Maqnaashaha agaasimaha fulinta ee Machadka Daraasaadka Istaraatijiyadda Geeska Afrika, ayaa buuq ka abuuray dalka Kenya, iyadoo qoyskiisu ay ku eedeeyeen inuu lug ku leeyahay xarrigiisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleShirkii Madaxda Dowlad gobaleedyada oo baaqday
Next articlexukuumadda oo War ka Soo saartay Kiiska Badda