Home Wararka Maanta P.M Xamze oo Safar Dibada ah Ubaaxaaya saacadaha soo socoda

P.M Xamze oo Safar Dibada ah Ubaaxaaya saacadaha soo socoda

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan dalka Itoobiya sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay

Xamze ayaa booqanaya Magaalooyinka Addis Ababa, Bahardar iyo magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse uu safarkiisa ugu horreeya ee Itoobiya uu ku tegayo magaalada Addis Aaba, kadibna uu safaro ku gaarayo magaalooyin kale, sida uu qorshahu yahay.

Waxaa kulamo kala duwan la qaadan doonaa dhigiisa Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo mas’uuliyiin kale, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan oo ku aadan Gobolka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ra’iisul  Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre marka uu dhameysto safarkiisa Itoobiya uu sidoo kale booqan doono dalka Kenya.

Ad
Previous articleDowladda Oo Soo Bandhigtay Eedo Culus Oo Loo Heysto Saxafi Cabdalla Muumin oo Dhawaan la Xiray
Next articleFaroole oo si wayn uga hor yimid go’aano xalay lagu gaaray Madaxtooyada Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here