Home Wararka Maanta P.M Xamza oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya

P.M Xamza oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan booqasho rasmi ah ku joogo dalka Masar ayaa kulan gaar ah Qaahira kula yeeshay madaxweynihii hore ee dalka, Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Cabdiqaasim Salaad ku booqday hoygiisa, si uu uga wareysto xaaladda guud iyo sidoo kale caafimaadkiisa, maadaama uu muddo ka maqan yahay dalka.

Labad mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay arrimaha amniga iyo siyaasadda dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

“Waxaan xalay gurigiisa magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan. Waxaan ugu tagay in aan hubiyo xaaladdiisa caafimaad iyo in aan uga xog warramo halka uu dalku marayo, gaar ahaan xaaladda guud ee Amniga iyo Siyaasadda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Dhankiisa madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ayaa soo dhaweeyay dadaalka xukuumadda ee ku aadan ka hortagga Al-Shabaab iyo dagaallada ka socda gobollada.

Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku rajo weyn yahay inuu dib ugu soo laabto dalka gudihiisa, si uu ugu noolaado caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay booqashadiisa qaadatay maalmo ayaa illaa iyo hadda la kulmay mas’uul ka tirsan dalkaas oo uu ugu horreeyo dhiggiisa Mostafa Madbouly.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada-hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska Soomaaliya.

Masar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh dowladda federaalka, waxaana horay dalkan u booqday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDarwalkii Labaad Masuul Ka Tirsan Dowlada Gaari Uwaday oo Markale u goostay Alshabaab?
Next articleCiidmada ATMIS oo lagu Wareejiyay Shirka Ka Dhacaaya Magaalada Baydhabo Xili Mucaaradka K/Galbeed Baydhabo Tagaayaan