Home Wararka Maanta P.M Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray oo maanta xil sare...

P.M Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray oo maanta xil sare u magacaabay Mudane Ismaaciil Siciid Aw-muuse

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Fdeeraalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray ayaa maanta xil sare u magacaabay Mudane Ismaaciil Siciid Aw-muuse oo ah wiil dhalinyaro ah oo firfircoon.

Ismaaciil Siciid Aw-muuse ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo mareeye ku-xigeenka Dekadda Xamar, kadib soo jeedin ka timid Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

Sidoo kale, magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha dardargelinta iyo horumarinta kaabayaasha Dekadaha Dalka, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa magacaabistaan ka dhalatay hadal-heyn xooggan, waxaana ka fal-celiyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada.

Cabdiraxmaan Ibraahim Gacal “Eebow dardargalin ma jirtee biilka xaafadda waa juusto”.

Cabdixakiin Maxamed “Nin Puntland ka yimid muxuu dekadda Xamar ka qaban waxba kamaba fahansanee?”.

Dhamme Shakuur “Ilmaha caanahooda miyaa waxaasi xil ma ahane waxaan?”.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ra’iisul wasaaraha ayaa waday macagaabista xilal cusub, waxaana ugu dambeysay Marwo Aamina Axmed Samatar oo noqotay Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM).

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleGuri Kuyaala Kismaayo oo Loogu Tagay Koox Ka Tirsan Alshabaab
Next articleMid ka mid ahaa Ragii la doon Doonay ee Daacish oo Gacanta Puntland Soo Galay