Home Wararka Maanta P.M Xamse oo Talaabo Deg Deg ah Qaaday kadib Qarixii ismiidaamint ahaa...

P.M Xamse oo Talaabo Deg Deg ah Qaaday kadib Qarixii ismiidaamint ahaa ee Saakay(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardar-gelinta amniga caasimadda iyo sidii looga feejignaan lahaa weerarada al-shabaab.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in dalku uu ku jira xaalad dagaal oo lagu ciribtirayo al-shabaab, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la sameeyo feejigaan dheeri ah, si looga hortago isku dayada naf-lacaariga ah ee ay ku khal-khal gelinayaan ammaanka caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey hey’adaha amniga sida naf-hurnimada ah ee ay uga hortageen falkii ay maanta kooxaha Khawaarijta ah la damac-sanaayeen in ay ku beegsadaan meelaha ay ku badan yihiin shacabku.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulanka Agaasimeyaasha Guud iyo Maareyeyaasha Hey’adaha Dowladda oo looga hadlayey dagaalka lagu ciribtirayo al-shabaab

Kulanka ayaa daba-socda go’aankii Golaha Wasiirrada ee la xiriiray in hay’adaha dowladdu ay doorkooda ka qaataan dagaalka dalka looga ciribtirayo al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa faray Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Maareyeyaasha Hey’adaha dowladda in ay ku abaabulaan shaqaalaha si af iyo addinba ay uga qeyb qaataan dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka lagula jiro cadowga, ayaa xusay in maanta la joogo dhammaadkii Khawaarijta, waddada kaliya ee guushan lagu sii xaqiijin karana ay tahay midnimo iyo wadajir ummadeed.

Ad
Previous articleMid kamid ah Magalooyinkii Alshabaab ka Difaacaayeen Ceelbuir oo La Qabsaday
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo U Yeeray Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya kadib…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here