Home Wararka Maanta P.M Rooble oo Qodobo Muhiim ah kala Hadlay Gudiga Doorashooyinka

P.M Rooble oo Qodobo Muhiim ah kala Hadlay Gudiga Doorashooyinka

0

Ra’iisul Wasaaraha Somalia mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia.

Rooble ayaa kala hadlay mas’uuliyiintan qorshaha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannada labada aqal si waafaqsan jadwalkii uu guddiga FEIT horay u soo saaray.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa ka dalbaday guddiyadan in inta ka hartay waajibaadkooda shaqo ay si hufan u gutaan, iskana ilaaliyaan iney qaataan go’aano wax u dhimaya geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Dowlad goboleedyada Galmudug, K/Galbeed iyo Puntland ayaa soo afjaray doorashooyinka xubnaha labada Aqal ee baarlamanka Somalia, waxaana harsan doorashada 25 kursi oo Jubbaland iyo Hirshabelle ku dhiman, kuwaasoo intooda badan yihiin kuraastii taallay magaalada Garbahaarey oo khilaaf uu ka taagan yahay.

Ad
Previous articleGudoomiyaha Cusub ee Gobalka Mudug oo ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay
Next articleGuddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo Soo Saaray Liiska Kuraasta Dacwadu ka Taalo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here