Home Wararka Maanta P.M Rooble oo Lagu Cadaadinaayo inu Isku Sharaxo Xilka Madaxweynaha Soomaaliya(Xog)

P.M Rooble oo Lagu Cadaadinaayo inu Isku Sharaxo Xilka Madaxweynaha Soomaaliya(Xog)

0

Sida ay ogaatay Mudug24, waxaa socda cadaadis laba dhinac ah oo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu saarayo inuu isku sharxo xilka madaxweynaha Soomaaliya marka ay dhacdo xafladda dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka 11-aad oo la qorsheeyay 14-ka April.

Dhinaca koowaad ee culeyska ku saaraya Rooble inuu is sharxo ayaa ah beesha Habar Gidir ee uu ka dhashay, waxaana juhdiga badan ku bixinaayo jufada hoose ee Sacad oo uu kasoo jeedo oo rumeysan inuu haysto fursad aad u weyn.,

Beesha Habar Gidir ayaa ku canaanatay Rooble in fursad sanooyin badan ay beesha sugaysay uu maanta haysato, loogana baahan yahay Rooble inuu ugu faa’iideeyo fursadaasi oo ay ku tilmaameen mar la arag xiligaan gacanta ugu jirto.

Mas’uuliyiin sare oo ka mid ah beesha ayaa doonaya inuu Rooble ku dhowaaqo musharaxnimadiisa marka la dhaariyo xildhibaanada golaha shacabka oo howsha doorashada ay ra’iisul wasaaraha markaasi mas’uuliyadii uu qaaday kala wareegayaan baarlamaanka oo ka shaqeyn doona doorashada guddoonka iyo madaxweynaha.

Xubno ka tirsan beesha oo Rooble la hadlay ayaa ka cowday in xilka ugu sareeya dalka ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay is lahey-siiyeen labada beelood ee kala ah Abgaal iyo Daarood oo kala qeybsanayay dowladdihii ka horeeyey .

 

 

Culeyska labaad ee Rooble ku ku riixaya inuu is sharxo ayaa ah dowladda Imaaraadka Carabta oo dhowr murashax maal gelineyso, waxayna qorshaha labaad ay u aragtaa inay ka dhigato Rooble, maadaama uu soo hoggaamiyay doorashooyinkii baarlamaanka, halkaasi oo ay ka aragto inuu ka heli karo fursad weyn oo dhabar jabin karta ololaha doorasho ee Farmaajo oo taageero dhaqaale ka helaayo dowladda Qatar.

Wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo wasiirka Warfaafinta Cismaan Abokor Dubbe oo aad ugu dhow Rooble ayaa safar ay ugu ambabaxeen Imaaraadka Carabta kasoo laabtay, safarkaasi oo lala xiriiriyay dhabe u xaarida qorshaha Imaaraadka uu ku doonayo in Roobe is sharxo.

Laakiin si rasmi ah looma oga wasiiradaasi ciddii ay Imaaraadka kula kulmeen iyo xog dhameystiran intaba, waxaase soo kordhayay shux shuxda Imaaraadka iyo Rooble.

Rooble ayaa markii uu khilaafka isaga iyo Farmaajo soo ifbaxay wuxuu dib u soo celiyay xiriirkii Imaaraadka ee uu gooyay Farmaajo.

Ololaha xiligaan socda ayaa waxba kaga duwaneyn doorashadii 08 Febraayo 2017-kii, kaasoo beesha Habar Gidir ay hirgeliyeen oraahdii aheyd “No More Abgaal” oo ay ula jeedeen in dib danbe loo dooran madaxweyne kasoo jeeda beelweynta Abgaal.

 

 

Waxaa ololahaas hormuud u ahaa Axmed Macallin Fiqi oo xiligaasi u ololeynayay Farmaajo, laakiin doorashadii Farmaajo kadib ku dhacday jah-wareer siyaasadeed iyo in kabiirka siyaasadda uu noqday saqiirka siyaasadda, aakhirkiina isu badalay wasiir ka tirsan maamul goboleedka Galmudug, ugu danbeyntiina xajisan waayay wasiirnimadiisa ilaa uu mucaaradnimo cusub kala horyimid madaxweynihii xilka u dhiibay ee Qoor Qoor.

 

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleDeni oo isku Shaandhayn deg deg ah Ku sameeyey Golahiisa Wasiirada
Next articleDeg deg: Ciidamo Gadoodsan oo Xirtay Wadada Xariirisa Cadaado iyo Gaalkacyo(Sawiro)