Home Wararka Maanta P.M Rooble oo kulan la qaatay Hay,adaha Amniga Farayna Talaabo Degdeg ah(Sawiro)

P.M Rooble oo kulan la qaatay Hay,adaha Amniga Farayna Talaabo Degdeg ah(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulankan ayaa intii uu socday diirada lagu saaray xaalada amaan ee dalka gaar ahaan weeraradii dhawwaan ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baledweyne.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa madaxda laamaha ammaanka amray in baaritaan rasmi ah ku sameeyaan weerarradii argagixiso ee u dambeeyay, amniga doorashooyinka & guud ahaan dalka.

Kulankan Ra’isul Wasaare Rooble la yeeshay taliyaasha ciidamada qalabka sida ayaa imaanaya xilli Madaxweyne Farmaajo xalay isna kulan la qaatay taliyaasha ciidamada ammarna ku siiyay in ay baaraan weeradii Xalane iyo Baledweyne.

Ad
Previous articleDowlada Qatar oo Heshiis Cusub la Saxiixatay Dowlada Soomaaliya
Next articleMadaxweynaha Ukrain oo U Qayla Dhaan Dirsaday Madaxda Reer Galbeedka Xili Dagaal Culus ku socdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here