Home Wararka Maanta P.M Rooble o Dharbaaxo Kulul Ku Dhuftay Fahad iyo Farmaajo

P.M Rooble o Dharbaaxo Kulul Ku Dhuftay Fahad iyo Farmaajo

0

Guddiga doorashada heer Federaal ee FIET ayaa maanta billaabay shahaado bixinta xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Guddiga waxaa Maanta shahaado u doontay xildhibaano ka socday maamulo kala duwan sida Galmudug, Jubaland, HirShabelle, Reer Woqooyiga iyo Banaadiriga.

Xarunta guddiga oo ku dhex taalla Airport Hotel ayaa lagu bixinayaa shahaadooyinka, Seddexda xildhibaan ee mataanaha ah Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey, Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer iyo Mustax Sheekh Axmed Dhuxulow ayaa hoggaaminayey liiska xubnaha saaka u kalahay shahaado qaadashada.

Seddexda mudanaba waxaa laga soo doortay Galmudug, xildhibaanka la filayo inuu yahay qofka ugu da’da weyn ee Golaha Shacabka sii hoggaamin doono inta laga dooranayo guddoon Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad ayaa la siiyey shahaadada kaasoo isna laga soo doortay Galmudug.

Xildhibaan Maxamed Cumar Caana-nuug oo u sharaxan xilka guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, kaasoo laga soo doortay Jubaland ayaa ku jira xubnaha Maanta shahaadada la siiyey.

Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy iyo xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo laga soo doortay HirShabelle ayaa sidoo kale ku jiray xubnaha shahaadada qaatay Saakay.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo dhanka Reer Woqooyiga laga soo doortay ayaa kamid ah xubnaha saaka la siiyey shahaadada rasmiga ah ee xildhibaanka.

Xubnaha Banaadirga ayaa sidoo kale doontay shahaadooyinkooda iyadoo Xildhibaan Shariif Mustafa uu kamid ah ahaa xubnihii saaka Shahaadada qaatay.

Mar haddii Gamudug, HirShabelle, Jubaland, Reer Woqooyi iyo Banaadiriga shahaadooyinkoodii doonteen dadku waxay is waydiinayaan maxay arrintani kaga dhigan tahay dhanka Ra’iisul Wasaare Rooble.

Maxamed Xuseen Rooble oo madax ka ah mashruuca doorashada Soomaaliya wuxuu heli karaa taageero mar walba oo uu qaado tallaabo lagu dadajinayo dhameystirka doorashada, shahaado bixinta saaka bilaabatay waxaa lagu macneeyey tallaabo dhaqangal ah.

Xoghayaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Buux wuxuu xalay sheegay in qofkii shahaadada soo qaata inuu toos u yimaado Villa Hargeysa si loo siiyo Kaarka Aqoonsiga xildhibaanimada.

Sidaad darteed xubnaha Maanta shahaadada qaatay waxay hadda u dhaqaaqi doonaan dhanka Golaha Shacabka si loo siiyo kaararkii. Uma badna in howshani dib loo celin karo, taasoo dharbaaxo ku ah dhinaca kale ee Farmaajo iyo Fahad.

 

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa qoraal uu xalay soo saaray wuxuu ku qaadacay shahaado bixinta iyo tallaabadii uu guddiga FIET ku hakiyey 3 kamid ah kuraasta uu maamulkas soo gudbiyey natiijadooda.

Koonfur Galbeed waxay sheegtay inay liiska xubnaheeda toos ugu gudbin doonto xogheynta labada Aqal. HirShabelle ayaa iyadana Xalay soo saartay hadal midkaas la mid ah iyadoo ka gadoodsan in la reebay kursigii Fahad Yaasiin, balse waxaa HirShabelle hadalkeeda daciifinaya oo dharbaaxo ku ah in qaar xildhibaanadooda kamid ah inay Saaka doonteen shahaadooyinkii.

14-ka bishan ayaa loo qorsheeyey dhaarinta xildhibaanada, waxaa muuqata in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo kooxdiisu ay 2 tallaabo oo waaweyn hirgeliyeen 48-dii saac ee lasoo dhaafay, waana faafinta liiska iyo Maanta oo ay bilaabeen shahaado bixinta.

Doorashada Soomaaliya ayaa si weyn u daahday, Shacabka iyo dhammaan daneeyayaasha doorashada waxay doonayaan in si walbaba Dalku xaaladaan adag ka gudbo oo doorshadu idlaato lana helo dowlad sharciyad heysata.

Marka la eego loolanka Labada dhinac Rooble ayaa Maanta heysta dhibco sare, waxaana la eegayaa sida uu u xafidan karo dhibcihiisa iyo waxa ay noqon doonto falcelinta dhinaca kale

Ad
Previous articleInkabadan 40 Xildhibaan oo Qaatay Shahaadada Xildhibaan(Aqriso Magacyada)
Next articleLaba wado oo wayn kuna Yaala Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo Laami Lasaraayo(Sawiro)