Home Wararka Somaliya Hirshabeelle P.M Rooble iyo Madax Farabadan oo Salaada Janaasada Ku Tukaday Meydka Xildhibaan...

P.M Rooble iyo Madax Farabadan oo Salaada Janaasada Ku Tukaday Meydka Xildhibaan Aamina(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Madaxdii hore ee dalka ayaa salaadda Janaasada ku tukaday maydka Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ka mid ah dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixiso ee xalay ka dhacay Baladweyne.

Rooble iyo masuuliyiinta kale ee isugu jira kuwa hada xil haya iyo kuwa hore ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho salaada janaasada kula dukaday meydka Xildhibaan Aamina iyo xildhibaan hore oo xalay lagu dilay qaraxii Baydhabo.

Wajiyada masuuliyiinta qaar ee salaada janaasada ka qeyb galayay ayaa laga dheehan karay sida ay uga murugeesnaayeen dilka naxariis darada ah ee loo geestay Xildhibaanad Aamina Maxamed oo aheyd xubin firfircoon oo baarlamaanka ka dhax muuqatay.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa xalay sheegay in weerarka lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed uu u muuqdo mid siyaasadeed oo lasoo abaabulay, waxa uuna amray laamaha ammaanka in barais lagu sameeyo qaraxan iyo cidii fududeesay.

Dilka loo geestay Xildhibaan Aamina Maxamed ayaa dadka Soomaaliyeed si weyn uga naxeen, waxaana baraha bulshada maanta ilaa xalay si weyn looga dareemayaa tacsida iyo murugada geerida Xildhibaanad Qaran Aamina Maxamed Cabdi.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCabdiraxmaan Cabdishakuur oo iska Diiday Baaq uu u Diray Madaxweyne QoorQoor
Next articleCabdirisaaq Cumar Maxamed oo Goordhow Baladweyne Xildhibaan ku Guulaystay