Home Wararka Caalamka Steven Weber Oo Xili Biyaha dhexdooda Gacalisadiisa uga Dalbanaayay Guur si...

Steven Weber Oo Xili Biyaha dhexdooda Gacalisadiisa uga Dalbanaayay Guur si kedis ah u Geeriyooday(Sawiro)

0

Nin u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Steven Weber , ayaa geeriyooday xilli uu gacasiladiisa guur kaga dalbanayay biyaha hoostooda isaga oo quusaya, waxa ayna dhacdadan noqotay mid dad badan ka naxeen.

Steven Weber iyo saaxiibaddiis Kenesha Antoine ayaa dalxiis iyo damaashaad ku tagay dalka Tanzaaniya, waxa ayna lamaanahan dageen dhismo laga dhisay biyaha badda hoostooda oo yaalla xarunta dalxiiska ee Manta Resort, ee duleedka Jasiiradda Pembe.

Ninkan ayaana go’aansaday in biyaha hoostooda isaga oo dabaalanaya in uu guur kaga dalbado gacalisaiisa oo la joogtay, hasa ahaatee xaalad lama fillaan ah ayaa lasoo daristay ninkan oo geeriyooday xilli uu gacalisadiisa guurka ka dalbanayay.

Muuqaal ninkan gacalisadiisa kasoo duubtay ayaa la arkayay isaga oo  tusaya qoraal uu ku amaanayo, kaasoo uu ka tusayay daaqad muraayad ah biyaha hoostooda ku jirta, ninkan saaxiibtiisa ayaa iyada oo faraxsan muuqaal ka duubeysay gacaliyaheeda.

Shaqaale katirsan xarunta loo dalxiiska tago Manta Resort, ayaa warbaahinta u sheegay in Mr Weber uu si musiibo ah u geeriyooday isagoo mukhuurasho kaligiis ah ku sameynaya biyaha ka hooseeya qolka ay daganaayeen isaga iyo saaxiibaddiis.

Kenesha Antoine, ayaa sidoo kale xaqiijisay geerida ku timid gacaliyaheeda, waxa ayna xustay in wax walbo ku dhaceen si degdeg ah, iyadoo sheegtay inay ahayd markii ugu horreysay ee uu aad ugu fogaatay biyaha hoostooda.

Lamaanahan mashaqda ku dhacday ayaa dalxiis u joogay dalka Tanzaaniya, waxa ayna kireesteen afar habeen dhismaha qol biyaha ka hooseeya oo ku yaalla dhismaha badda ka dhex sameysan, waxaana qolkan halkii habeen lagu kireeyaa $1,700.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe iyo Raysulwasaare Rooble oo Ka Heshiiyay Sida laga Yeelaayo kuraasta Garbahaareey
Next articleWar Deg Deg ah: Mid kamid ah Xildhibaanada Cusub ee aan Wali la Dhaarin oo Meydkiisa lahelay Magaalada …

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here