Home Wararka Somaliya Hirshabeelle ONLF oo soo faragalisay khilaafka xasan shiikh iyo axmed madoobe

ONLF oo soo faragalisay khilaafka xasan shiikh iyo axmed madoobe

0

Ururka ONLF ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, kaas oo gaaray meeshii ugu xumeyd, iskuna beddalay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in ururka uu aad uga walaacsan yahay xaaladda kasoo korortay Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda labada dhinac ee keentay in ciidamo la geeyay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

ONLF ayaa shaaca ka qaaday in laga haboon yahay colaaddaan oo ay tilmaamtay inay kusii fidi karto deegaannada kale ee dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Qoraalka kasoo baxay Ururka ONLF ayaa sidoo kale baaq loogu diray labada dhinac oo laga dalbaday inay fursad siiyaan wada-hadallo toos ah, si loo dhameeyo xiisadda dhexdooda ah.

“Nabaddu waa waddada kaliya ee lagu xalin karo dhibaatada maanta ka dhex taagan Dowlaadda Federaalka iyo Jubbaland” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn ONLF ayaa ka codsatay dalalka dariska iyo beesha caalamka inay soo farageliyaan xiisadda, si xal loogu helo khilaafka kasii daraya ee Muqdisho iyo Kismaayo.

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo Axmed Madoobe, halka Jubbaland ay uga jawaabtay waaran kale oo ay sheegtay in lagu soo qabanayo madaxweyne Xasan Maxamuud, waxaana mid kasta uu dhinaca kale ku21 eedeeyay inuu galay khiyaano qaran oo wayn.

Ad
Previous articleGuddiga Doorashooyinka oo Qaaday Talaabadii Ugu Horaysay
Next articleDowlada Soomaaliya oo Jarmalka Kasoo Celinaysa Dad ka Badan 100 Qof