Home Wararka Maanta Odoyaal Alshabaab Heshiis laso Galay oo Markale Lasoo Xiray

Odoyaal Alshabaab Heshiis laso Galay oo Markale Lasoo Xiray

0

Odayaal kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo la sheegay in dhawaan ay heshiis lasoo galeen kooxda Al-Shabaab ayaa lagu xiray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa magaalada Beledweyne shalay galinkii dambe ku xirtay odayaashan oo tiradooda lagu sheegay lix ruux.

Ciidamada ayaa odayaashan kusoo qabtay howl-gal qorsheysan oo ay ka sameyeen tuullooyin hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Odayaashan ayaa dhawaan tagay deegaano ku yaala galbeedka Beledweyne oo ay Al-Shabaab ka taliyaan, kuwaasi oo kooxda lasoo galay heshiisyo ku aadan in ciidamada beeshooda ay ka saarayan dagaalada ka dhanka ah Shabaab.

Lama oga in odayaashan lasoo xiray lagu maxkamadeyn doono magaalada Baledweyne iyo in loo qaadayo magaalada Muqdisho, sida kal hore dhacday.

Odayaashan ayaa jabiyay amarkii dowladda federaalka Soomaaliya ee ahaa in aan lala macaamili karin kooxda Al-Shabaab oo ay dowladda iyo maamulada kula jiraan dagaal ka dhan ah.

Maalmo ka hor unbay ahayd markii maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukun xabsi oo shan sano ah ay ku riday odayaal Shabaab heshiis kula soo galay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Ad
Previous articleCiidmada Booliska oo Gacanta Kusoo Dhigay Askar Dhac iyo Dil gaystay oo Baxsad ahaa
Next articleSaddex walaalo ah iyo dad kale oo lagu laayey duqeyn ka dhacday Hiiraan(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here