Home Wararka Maanta Ciidmada Booliska oo Gacanta Kusoo Dhigay Askar Dhac iyo Dil gaystay...

Ciidmada Booliska oo Gacanta Kusoo Dhigay Askar Dhac iyo Dil gaystay oo Baxsad ahaa

0

Ciidanka booliska ee ka howlgala deegaanka Garasbaaley ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay nin burcad hubeesan oo xirnaa dareeska milatariga Soomaaliya, kaa oo fal dhac ah ku jiray xilliga lasoo qabanayay.

Ninkan burcadka ah ayaa waxaa ku baxay ciidamo katirsan booliiska xilli uu dhac geesanayay, hasa ahaatee rasaas uu kusoo riday ciidanka ayaa sababtay geerida hal qof oo shacab ah iyo dhaawaca labo qof oo kale sida taliska booliiska G/Banaadir sheegeen.

Ciidanka booliiska ayaa nikaan burcadka ah ka qabtay Waaxda 3-aad ee deegaanka Garasbaley, xiligaas oo uu dhacayay qof dumar ah oo uu ka qaatay teleefan ay watay, waxa uuna watay qoriga loo yaqaan M-16 sidoo kale xirnaa dareeska ciidanka Gorgor.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ninkan burcadka ah lagu xiray saldhigga booliiska Dharkeenley, waxa ayna booliiska sheegeen in ninkan baaris kaddib loo gudbin doono maxkamadda ciidamada .

Ad
Previous articleBoondow lagu Soo Rogay Muqdisho iyo Dowlada oo Sababta Ka Hadashay
Next articleOdoyaal Alshabaab Heshiis laso Galay oo Markale Lasoo Xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here