Home Wararka Maanta Odayaal Alshabaab kasoo Afduubteen Wisil oo lagu laayay Duqayn

Odayaal Alshabaab kasoo Afduubteen Wisil oo lagu laayay Duqayn

0

Duqeyn xagga cirka ah oo Sabtidii lagu qaaday xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen gobolka Mudug ayey wararku sheegayaan in koox maxaabiis ah oo halkaas ku xirnayd uu soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Odayaal ehel la ah maxaabiista dhibtu gaartay ayaa BBC-da u sheegay in 5 kamid ah dadkii halkaas kooxdu ku haysatay ay ku dhinteen, halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen. Lixda dhaawaca ah labo kamid ah ayaa la sheegay in dhaawacoodu uu aad u daran yahay, haddana lagu hayo agagaarka Jowle oo ku dhaw degmada Xarardheere.

Odayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan in dhaawaca laga soo qaado halkaas.

Idaacada Alshabaab ayaa Sidoo kale Shalay Sheegtay in Dadka la laayay ahaayeen Odayaal Alshabaab kasoo Xireen Agagaarka Degmada Wisil kuwaas oo Mudo Alshabaab Halka Shalay lagu Duqeeyey lagu Haayay.

Duqeyntan oo ay gaysatay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa shalay ka dhacday deegaanka dumaaye oo qiyaastii 49km u jira degmada Xarardheere.Mas’uul ka tirsan maamulka Galmudug oo codsaday in aan magaciisa la shaacin wuxuu BBC u sheegay in akhbaartaas ay maqleen balse “aysan hubin in odayaashaas ay duqaynta ku dhinteen ama in AL Shabaab ay dileen si loogu ekeysiiyo dad duqeynta ku dhintay”.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganaysay gudoomiyaha degmada Xarardheeere Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa sheegtay in halkaas lagu dilay ku dhawaad 200 oo dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Wasiirka arrimaha gudaha gudaha ee dawladda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqina wuxu sheegay “inay isla bas-beeleen xerada iyo dagaallamayeyaashii ku jiray”.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Ciidamada Dowlada oo la Wareegay Degaanka Ceel-laelay
Next articleMadaxweyne Xasan shiikh oo Ka Dagay Maxaas asagoo Tuutaha Dagaalka Xiran