Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan shiikh oo Ka Dagay Maxaas asagoo Tuutaha Dagaalka Xiran

Madaxweyne Xasan shiikh oo Ka Dagay Maxaas asagoo Tuutaha Dagaalka Xiran

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgalada ciribtirka Alshabaab ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka hawlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.

Ad
Previous articleOdayaal Alshabaab kasoo Afduubteen Wisil oo lagu laayay Duqayn
Next articleXafiiska xeer ilaalinta oo dacwado kusoo oogay mas’uuliyiin dhammaantood dalka ka maqan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here