Home Wararka Maanta Odawaa Yuusuf oo Amar Cusub siiyay Ciidanka Dagaala kula jira Kooxda Shabaab

Odawaa Yuusuf oo Amar Cusub siiyay Ciidanka Dagaala kula jira Kooxda Shabaab

0

Taliyaha ciidanka XDS Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa amar culus siiyey ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta degaanka ee ka dagaalamaya gobolka Sh/dhexe.

Jen. Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan degmada Ruun-nirgood ee gobolka Sh/Dhexe ayaa ciidanka amar ku siiyey iney aragti ku toogtaan qof kasta oo lagu arko inuu dhigtay isbaaro.

“Meeshii lagu arko ayaa lagu dilayaa qofkii la arko isagoo isbaaro dhiganaya, xitaa maxkamad lala sugi maayo, ma dhici karto in isbaaro aan raali ka noqono,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa oo la dardaarmayey ciidamo ku sii jeeday furumaha dagaalka gobolka Galgaduud.

Waxaa uu amaan iyo bogaadin u jeediyey taliyaha ciidanka dhulka Jen. Maxamed Tahliil Biixi oo uu sheegay inuu muddo afar afar bilood ah furumaha dagaalka ku sugan yahay, uuna wax ka hogaaminayo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Dadka aad ka xoreyseen Al-Shabaab wey faraxsan yihiin, laakiin waxaa weli madaxa hoos u raaricinaya oo ilmeynaya hooyooyin Soomaaliyeed iyo dad kale oo weli ay dhibaato ku hayaan, kuwaasoo loo baahan yahay inaan deg deg uga xoreyno cadowga” ayuu intaas ku daray Jeneraal Odawaa.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa Al-shabaab ka saaray guud ahaan gobolka Sh/dhexe iyo inta badan gobolka Hiiraan, waxayna haatan kaabiga u saaran yihiin iney qabsadaan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray gobolada dhexe.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWar Deg Deg Ah:- Qaraxyo isxig-xiga oo laga maqlay Magaalada Muqdisho
Next articleHotel uu Daganyahay Madaxweynaha Brazil oo laga Helay Bam, Baaritaan Socda