Home Wararka Maanta Hotel uu Daganyahay Madaxweynaha Brazil oo laga Helay Bam, Baaritaan Socda

Hotel uu Daganyahay Madaxweynaha Brazil oo laga Helay Bam, Baaritaan Socda

0

Booliska caasimadda Brazil ee Brasilia, ayaa baaraya bam laga helay hotel uu deggan yahay madaxweynaha la doortay ee dalkaas Luiz Inacio Lula da Silva oo lagu wado in la caleema saaro 1-da Janaayo ee sanadka 2023.

Goobjooge ka tirsan Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegay in seeriga iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca laga maqlayay hoteelka uu Lula degan yahay. Booliska Brasilia ayaa sheegay in la helay shandad dhabarka lagu qaato, kooxda bambooyinka ayaana loogu yeeray.

Xiisada caasimada Brasilia ayaa sii korodhay ka dib markii madaxweyne Lula uu doorashada kaga adkaaday musharaxa mucaaradka Jair Bolsonaro ooka tirsan xisbiga midigta fog taasoo aheyd doorashadii ugu xamaasadda badnayd ee dalkaas ka dhacda muddo qarni ah.

24-kii Disembar, booliiska Brasilia ayaa sheegay in ay fashiliyeen qorshe bambaano, iyagoo xiray nin xiriir la leh xero ay ku sugnaayeen taageerayaasha Bolsonaro oo diidanaa natiijada doorashada kaasoo degay bannaanka xarunta ciidanka Booliska, isagoo milatariga ka codsanayey inay meesha ka saaraan guusha Lula.

Horaantii bishii Diseembar, koox ka tirsan mucaaradka ayaa isku dayey iney soo galaan xarunta booliska federaalka ka dib markii la xiray hogaamiye taageersan Bolsonaro oo lagu eedeeyay hanjabaad ka dhan ka ah dimoqoraadiyada.

Ad
Previous articleOdawaa Yuusuf oo Amar Cusub siiyay Ciidanka Dagaala kula jira Kooxda Shabaab
Next articleBooliska Sweden oo Hub ka helay Hoyga nin Dhawaan lagu toogtay Xaafada Rinkeby

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here