Home Wararka Somaliya Jubbaland Odaayasha Soo Xulaaya ergada Soo Dooranaysa Kursigii U ku Fadhiyay Cabdiraxmaan Dheere...

Odaayasha Soo Xulaaya ergada Soo Dooranaysa Kursigii U ku Fadhiyay Cabdiraxmaan Dheere oo ahaa Gacan yaraha Fahada Yaasiin oo la Shaaciyay

0

Guddiga Hirgalinta Doorashoyinka Heer Dowlad Goboleed ee Jubaland (SEIT), aya caawa soo saaren Guddiga Xulista Ergada oo ka kooban odoyasha dhaqanka iyo bulshada rayidka kuraasta kala ah HOP124 iyo HOP029.

Kursiga HOP124 oo aay leedahay beesha Reer Aw Qudub (Shiikhaal) aya waxa loo xiray Maxamed Cabdi Nadiif oo Baarlamanki 8aad xubin ka aha.

 

Nadiif aya badali doono Wasiru Dowlaha Gaadidka Dowladda Soomaliya Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabduraxman Dheere) oo kamid ah saaxibada dhow ee Fahad Yaasin.

 

 

Cabdiraxman aya isku dayay in kursiga uuku gorgortamo balse Axmed aya u arkayay inuu qeyb ka aha isku daygi la doonayay in Jubaland looga tuuro.

Geesta kale, kursiga HOP029 oo aay leedahay beesha Abokor Ciise Maxamud (Majerteen) lagana leeyahay degmada Eyl aya waxa horey Suldaan Maxamed Siciid Garaade ugu asteeyay jufada Xasan Abokor.

 

 

balse Axmed Madoobe aya kursiga u xiray Axmed Maxamuud Jaamac oo ah wariye Jubaland TV ka howlgalo kana soo jeedo jufada Yoonis Idriiis oo ah beesha ugu tunka weeyn Ciise Maxamuud.

 

 

Waxa horey u dhacday in Islaan Ciise uu kursiga Muuse Ciise ugu asteeyay jufada Cali Nuur loona raacay taladiisa waxana lagu sababeyay in joogista goofka Garoowe aay caawisay.

 

Ad
Previous articleXildhibaan Qaali Cali Shire iyo Fiqi oo Codsi Cajiib ah U Diray Cali Guudlaawe iyo Dabageed.
Next articleCol:Xamdi Xasan ” Waxaan Shaqada Qaranka oo aan Haayay 13 sano Uga Tagay Yaasiin Fareey”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here