Home Wararka Maanta Nuur Wayne, Xasan Boy & Keerow oo Qaraxyo Badan Muqdisho ka gaystay...

Nuur Wayne, Xasan Boy & Keerow oo Qaraxyo Badan Muqdisho ka gaystay Saakay la Toogtay.

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo lagu helay in ay katirsanaayeen Al Shabaab, kuwaa oo masuul ka ahaa qaraxyo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho.

Ragan lagu toogtay fagaaraha iskuul buliisiya saakay ayaa lagu kala magacaabayay  Nuur Wayne, Xasan Cali Macalin Barre Boy & Keerow, waxaana ragan xukun dil ah lagu riday sannadkii 2019-kii.

Maxkamada ciidamada ayaana ragan la toogtay horey ugu heshay in ay ka dambeeyeen qaraxyo dad badan ku dhinteen oo ja dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan qarax ka dhacay Suuqa Kaawa-Godey Degmada Wadajir 26-11-2018kii.

Xukunkan dilka ah ee lagu fuliyay xubnahan katirsanaa Al Shabaab ayaa imaanaya xilli sabtidii Muqdisho ka dhacay qarax ay ku dhinteen dad ka badan 100-qof oo ka dhacay isgooska Soobe , kaa oo lagu eedeeyay kooxda Al Shabaab.

Ad
Previous articleSheekooyinka ugu argagax badan ee laga soo weriyey qaraxyadii Zoobe ee Sabtidii
Next articleDhuusamareeb oo Saakay Safaf Dhaadheer loogujiro Doorasho halkaas Ka Bilaabatay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here