Home Wararka Maanta Nin Ciraaqi ah oo Gabar Soomaali ah Dilay ka Dib markii ay...

Nin Ciraaqi ah oo Gabar Soomaali ah Dilay ka Dib markii ay Diiday inay Xiriir Lasamayso

0

Haweeney Soomaali ah ayaa lagu dilay maqaayad ku taalla degaanka Ampang Selangor ee dalka Malaysia oo ay shaqaale ka aheyd

Sida ay qortay warbaahinta free Malaysia today.com Nin u dhashay dalka Ciraaq ayaa goobta ka baxsaday kadib markii uu haweeney Soomaali ah ku dilay degaankaas

Jaya Farouk Eshak Taliyaha Booliska degmada Ampang ayaa sheegay in ninkan 25-jirka ah ay kasoo qabteen magaalada Ampang Putra dhowr saacadood markii uu dilka geysatay ka dib isagoo baxsad ah.

Booliska ayaa baaraya sababta kadanbeysa dilkan uu nin u dhasahay dalka Ciraaq u geystay gabadhan Soomaalida ah.

Gabadhan la dilay oo 28 jir ah ayaa waxay la nooleed qoyska tuhmanaha muddo sagaal sano ah, waxaana jira warar sheegaya in gabadhan Soomaalida oo magaceeda lagu sheegay Dahabo Cumar ay diiday xiriir guur  oo u soo bandhigay ninkan Ciraaqiga ah taasina ay keentay inuu dilo.

Ad
Previous articleTaliyeyaasha Saldhigyada degmooyinka Galmudug oo isbadal lagu Sameeyay
Next articleGalmudug oo Fariin u dirtay Madaxweyne Farmaajo iyo Kooxdiisa kadib Doorashooyinka dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here